-
Booliiska oo sheegtay inay dileen 17 dabley ah
Cidamada booliiska dowladda
Somalia ayaa sheegay inay dileen 17 qof oo dabley ah, oo
looga shakisan yahay inay ka mid ahaayeen kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah.
-
Madaxweynaha oo ka hadlay khilaafka
Madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdullahi Yusuf Ahmed ayaa beeniyay warar sheegayay inuu soo jeediyay in shirka dib u heshiisiinta laga wareejiyo waddanka Djbouti.
-
QM oo ku hanjabtay cunaqabateyn
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in cunaqabateyn lala beegsado shakhsiyaadka carqaladeeya hannaanka nabadda ee hore uga billowday dalka Djibouti.
-
Yusuf: Dowladi kama jirto Somalia
Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo la hadlaya mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay ineysan dowladi ka jirin Somalia wuxuna taas ku eedeey R/W Nuur Cadde.
-
R/W Nuur Cadde oo eedeeyey C/llahi Yusuf
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu caqabad ku yahay dadaalka nabada ee shirkii Djibouti, isagoo intaa ku daray in DKMG ay jirayso.
-
QM oo warbixin kasoo saartay Somalia
Xoghayaha gud ee QM Ban Ki-Moon ayaa Golaha Amniga u gudbinaya warbixin dheer oo uu kaga hadlayo marxaladaha siyaasadda, ammaanka ee ka jira guud ahaan dalka Somalia.
-
Faarax Sindiko oo geeriyooday
Waxaa magaalada Qaahira ku geeriyooday Faarax Weheliye Caddow (Sendiko), oo muddo aad u dheer kusoo dhex jiray Sports-ka waliba siyaasadda Somalia. Allaha u naxariisto.
-
Sacuudiga oo diiday in lala xaajoodo burcadda
Wasiirka arrimaha dibedda ee Sacuudiga Sacud Al Faysal ayaa sheegay in milkiilayaasha
markabka ay la xaajoonayaan burcad badeedda, laakiin dowladdiisu aanay ansixin.
-
Nuur Cadde: Waxba kama qaban karno
Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen oo ka hadlayay Nairobi ayaa BBC u sheegay in burcad badeeddu ay dhibaato ku heyso gobolka iyo guud ahaan Caalamka.
-
IGAD oo u hanjabtay madaxda Somalia
Wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD ayaa u hanjabay madaxda dowladda Somalia, oo ay sheegeen in haddii aanay xal keenin ay ku soo rogi doonaan cuna-qabateyn.
-
Kenya oo lagu wareejiyay siddeed Somali ah
Britian ayaa ku wareejisay Kenya sideed qof oo Somali ah oo burcad badeed looga shakisan yahay oo ciidamada badda ee Britian ay qabteen, si maxkamad loogu saaro.
-
Markabka oo u sii dhawaanaya Somalia
Markabka Sacuudigu leeyahay ee ay qabsadeen burcad badeedda Somalia ayaa ku sii dhawaanaya badweynta India, sida ay sheegeen ciidamada badda ee Mareykanka.
-
Barack Obama waa nin ceynkee ah?
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Barack Obama, waa 47-jir. Waxaa iska dhalay hooyo American caddaan ah aabbe reer Kenya ah. Xaas laba gabdhood ayuu leeyahay.
-
Baarlamaanka oo looga yeeray gudaha
Guddoomiyaha Baarlamaanka Adan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in xubnaha baarlamaanka Somalia looga baahan yahay in ay isugu yimaadaan dalka gudihiisa.
-
Warbixin laga soo saaray Soomaaliya
Xarunta Daraasaadka Istiraa-tiijiga iyo kuwa Caalamiga ah ee Washington, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Mareykanka ay la gudboon tahay inuu bedelo siyaasadiisa